Maanta oo ah 12 Aug 2021, waxaa dalka soo gaaray 302,400 talaalka Johnson & Johnson ee COVID-19. Tallaalkan waxaa Soomaliya ugu deeqday Dowladda Mareykanka, iyada oo soo marisay xarunta COVAX (CEPI, Gavi, UNICEF, WHO), ujeedaduna tahay in dalka Soomaaliya laga saacido ka hortagga Caabuqa COVID-19.
Imaatinka qaybtaan koowaad ee tallaalka Johnson & Johnson ee COVID-19 ayaa ku soo aaday iyadoo lagu guda jiro waqti xasaasi ah oo uu caabuqa COVID-19 soo laabtay markii 3aad. Sida kaliya ee loo joojin karo faafitaanka caabuqani aytahay in la tallaalo dadweynaha.
Wasaaraddda Caafimaadka ayaa uga mahadcelisay Dowladda Mareykanka deeqdan, iyadoo Wasaaradda ay ugu baaqday dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in ay qaataan Tallaalka.