Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga oo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dilay Gobolka Jubbada Hoose

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga oo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dilay Gobolka Jubbada Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyea gaar ahaan Ururka 5aa ee Guutada 16 aad iyo Ciidanka Daraawiishta iyo Nabadsugida Jubbaland oo Isgarabsanaya ayaa howlgal ka fuliyey Deeganno ka tirsan Gobolka Jubada hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggamineysay ayaa waxaa ay sheegeen inay Ciidamada ka saareen dhowr deegaan oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah beerxaani,qoloshimbi, sariiraha, dharkayn urur, yaaqcaleen, yaaq dabayl, iyo kuwa kale.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

Deegaannada ay Ciidamada howlgalka kula wareegeen ayaa waxaa ay Dhamaantood ku yaallaan duleedka Magaalada Kismayo, waxaana dhowr jeer lagu weeraray Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland.

Sidoo kale saraakiisha Ciidamada waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku dileen Shan kamid ah Al-Shabaab, isla markaana ay ku qarxiyeen miinooyin gaaraya lix, kuwaas oo ay wadada ku aaseen Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa waxaa ay sheegeen inay Howlgallada sii wadi doonaan ilaa ay Al-Shabaab ka saarayaan degannada iyo Degmooyinka ay weli kaga sugan yihiin Gobolka Jubbada Hoose.

Tags: Ciidanka Xoogga oo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dilay Gobolka Jubbada Hoose
Previous Post

Ciidanka Xoogga oo Howl-galo ka dhan ah argagixisada ka sameeyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Next Post

Ra’isul wasaare Rooble oo la kulmay Xildhibaanada Soomaalida ee ku jira Barlamaanka Kenya

Next Post
Ra’isul wasaare Rooble oo la kulmay Xildhibaanada Soomaalida ee ku jira Barlamaanka Kenya

Ra’isul wasaare Rooble oo la kulmay Xildhibaanada Soomaalida ee ku jira Barlamaanka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In