Wednesday, September 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA SULDAAN CUMAR SULDAAN MAXAMED

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA SULDAAN CUMAR SULDAAN MAXAMED
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed uu ka mid ahaa tiirarka hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ee doorka muuqda kasoo qaatay nabadda, xasilloonida, dib-u-heshiisiinta iyo adkeynta wadajirka shacabka, gaar ahaan bulshada ku dhaqan gobollada Waqooyi ee dalka.

Related posts

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Geerida ku timid Alle ha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waa geeri murugo leh, Suldaanku waxa uu ka mid ahaa hormuudka dhaqanka Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey nabadda, dib-u-heshiisiinta, midnimada iyo horumarka Ummadda Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

DHAMMAAD

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal “Sawirro”

Next Post

Duqa Gaalkacyo iyo Xubno ka tirsan Hay’adda IMC ayaa kormeeray Qaar ka mid ah Xeryaha Barakacayaasha ee Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Gaalkacyo iyo Xubno ka tirsan Hay’adda IMC ayaa kormeeray Qaar ka mid ah Xeryaha Barakacayaasha ee Gaalkacyo “SAWIRRO”

Duqa Gaalkacyo iyo Xubno ka tirsan Hay'adda IMC ayaa kormeeray Qaar ka mid ah Xeryaha Barakacayaasha ee Gaalkacyo "SAWIRRO"

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyska, ehellada, bahda aqoonta iyo dhammaan...

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

September 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed barbar socday Shir-madaxeedka dalalka dhex-dhexaadka ah ee magaalada Belgrade,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In