Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa Kulan kula qaatay Xarunta Maamulka Degmada Mas’uuliyiin Ka socday Hay’adda NIS Foundation iyo Madax ka tirsan Wasaaradaha Hawlaha Guud iyo Dib-u- dhiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.
Kulanka ayaa looga hadlay hirgelinta Wadooyin laami ah sida in Laami la saaro Wadada isku Xirta Garoonka Oshaako iyo Isbitaalka weyn ee haatan dhismaheeda ka socdo,iyadoo la balaarinayo Dhismaha Waddadaas oo la gaarsiinayo ilaa Aargada.
Waxaa kaloo la isla soo qaaday sidii Dhisme looga heli lahaa Waddada Astaan Golol oo dhinacyada ay isla qireen Muhiimada ay bulshada u leedahay,.
Intaas ka dib waxay Mas’uuliyiinta kormeer shaqo ku tageen Dhismaha Wajiga koobaad ee Waddada isku Xirta Garoonka Diyaaradaha Oshaako iyo Isbitaalka Weyn ee Gaalkacyo oo meel Wanaagsan maraysa.