Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa u ambabaxay magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxa ay dalka Itoobiya uga qeyb geli doonaan Munaasabada dhismaha xukuumadda cusub ee dowladda Itoobiya.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa qeyb ka noqon doono wufuud kala duwan oo ka kala socoto qaar ka mid ah madaxda Caalamka oo ka qeyb galayo xaflada dhismaha Xukuumadda Cusub ee dalka Itoobiya.