Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay Tiina Intelmann oo ah Danjiraha Midowga yurub ee Soomaaliya .
Waxa ayna ka wada-hadleen Qorshaha horumarineed ee Midowga Yurub ay ka wadaan Soomaaliya gaar ahaan Dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo iskaashiga la Xiriir dagaalka ka dhanka ah argagixisada.