Munaasabad loogu mahad celinayo wefdigii Soomaaliya ku matalayay dacwaddii baddeenna uuna goobjoog ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka socota Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.
Xafladda ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda, Diblomaasiyiin, waxgarad, aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kaasi oo iminka ka socoto xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.