Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta xariga ka jaray Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif kaas oo dib-u-dhis ballaaran ay ku samaysay dawladda Soomaaliya.
Wasiir Duraan ayaa sheegay in dayactirkii ugu ballaarnaa ee garoonka lagu sameeyo uu yahay tan iyo burburkii dawladda dhexe ee Soomaaliya.
Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ayaa ku guulaystay in kor loo qaado baaxada garoomada dalka.