Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka Colin Powell ayaa maanta oo isniin ah u geeriyooday xanuunka Karoona Fayras, isagoo jira 84 sano.Warbixin ay soo saareen qoyskiisa ayaa lagu sheegay in Jeneraal Colin Powell u geeriyooday Cudurka Karoona Fayras.
Qoyska ayaa sheegay in Colin si wanaagsan loola tacaalay intuu xanuunsaana waxeyna u mahd celieyeen waaxda caafimaadka gaar ahaan dhaqaatiirtii ku howlaneed daweyntiisa.
Colin Powell ayaa noqday xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka bishii Janaayo 2001 isagoo ahaa wasiirkii ugu horreeyay ee Afrikaan Mareykan ah ee qabta jagadan.
Powell wuxuu xilal badan ka soo qabtay maamulka Mareykanka, gaar ahaan wasaaaradaha gaashaandhigga iyo dibadda laakiin waxaa noloshiisa bar madow ku noqday kaalintii uu ku lahaa dagaalki lagu qaaday dalka Ciraaq kaas oo sababy burburka dowladdii Ciraaq iyo dhimashada dad tira badan oo rayid ahaa.