Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay taliyaha ciidamada AMISOM Jeneral Diomede Ndegeya, iyo ku xigeenkiisa maj gen w k Shume, oo booqasho ku yimid Jubbaland.
Madaxweynaha iyo sarakiishan kasocotay AMISOM ayaa ka wada hadlay howlaha sugida amniga Doorashooyinka iyo sidii si wadajir ah loogu fulin lahaa howlgalada nabadgalyada lagu sugayo.