Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Afrika

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka hadlay walaaca ku saabsan xaaladda deg degga ah ee dalka Itoobiya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Afrika, Wararka
0
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka hadlay walaaca ku saabsan xaaladda deg degga ah ee dalka Itoobiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay walaaca ku saabsan xaaladda deg degga ah ee dalka Itoobiya.

“Waxa uu aad uga walaacsanahay rabshadaha sii kordhaya ee Itoobiya iyo ku dhawaaqista xaalad degdeg ah oo dhowaan lagu soo rogay,” Afhayeenka Madaxa Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, ayaa bayaan ku yiri. “Xasiloonida Itoobiya iyo guud ahaan gobolka ayaa halis ku jira.”

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Xaaladda degdega ah ayaa timid kadib shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha Wasiirada xili ay sii kordhayaan iska horimaadyada ay kula jiraan jabhada Tigray (TPLF) iyo Jabhada Oromada ee Shene (OLA-shene).

Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah 29-kii Juun, waxayna kala baxday ciidamadeeda Tigrayga, ka dib ciidammada fallaagada ayaa isku fidiyay gobollada ay dariska yihiin ee Amxaarada iyo Canfarta.

Malaayiin qof ayaa ku barakacay colaadda, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, iyadoo ka digaysa masiibo bini’aadantinimo.

“Guterres ayaa ku celceliyay baaqiisa ku aadan in si deg deg ah loo joojiyo colaadda, gargaar beni’aadanimo oo aan xadidneyn si loo gaarsiiyo gargaar nafo lagu badbaadinayo oo deg deg ah, iyo wadahadal Qaran oo loo dhan yahay si loo xaliyo dhibaatadan loona abuuro aas aaska nabadda iyo xasiloonida dalka oo dhan,” ayuu hadalkiisa raaciyay afhayeen Dujarric.

 

 

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka oo tababar u soo gabo gabeysay xirfadlayaal caafimaad “SAWIRRO”

Next Post

In ka badan 100 Xuutiyiin ah oo lagu dilay magaalada Marib ee dalka Yemen

Next Post
In ka badan 100 Xuutiyiin ah oo lagu dilay magaalada Marib ee dalka Yemen

In ka badan 100 Xuutiyiin ah oo lagu dilay magaalada Marib ee dalka Yemen

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In