Kulan qado sharafeed ah oo ay isugu yidimaadeen Diblomansiyinta Safaaradda Soomaaliya ee Indonesia oo uu hogaaminayo Mudane Axmed Maxamud Maxamed (Axmed Xiish) siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ganacsatada ku dhaqan Indonesia ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka ganacsatada iyo safaaradda.
Kulanka waxaa kale oo diiradda lagu saaray sidii wada shaqayn iyo iskaashi u yeelan lahayeen diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee Indonesia iyo ganacsatada, isla markaana si wada jir ah looga wada shaqayn lahaa horumarka Ganacsatada iyo xalinta caqabadaha haysta ganacsatada.
Qaar ka mid ah ganacsatada madasha ka qeybgashay ayaa madaxda Safaaradda ka codsaday in loo fududeeyo adeegyada ay safaaradda uga baahanyihiin, dhankooduna ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Madaxda Safaaaradda Soomaaliya ee dalka Indonesia.