Friday, June 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Wafdi ka socday Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika waajibaadka AMISOM “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 9, 2021
in Afrika, Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Wafdi ka socday Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika waajibaadka AMISOM “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Talaado ah qaabilay xubnaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo ku soo gaaray Muqdisho shalay oo Isniin ahayd booqasho shaqo oo seddex cisho qaadanaysa , isagoo kala hadlay waajibaadka shaqo ee AMISOM oo ku dhow inuu idlaado 31 December, 2021 , sida ku cad go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2568.

Wasiirka iyo xubnaha golaha oo ka kooban 15 xubnood oo uu hoggaaminayay Danjire Mohammed Omar Gad oo ka socda dalka Masar ayaa isweydaarsaday aragtiyo ku aaddan caqabadaha amniga iyo nabadda iyo heerka ay gaadhsiisan tahay u diyaargarowga ciidamada qaranku u leeyihiin in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

Hadal uu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ka jeediyay kulanka, ayaa waxa uu sheegay in qorshaha kala guurka ee Soomaaliya aanu caddeynin oo qura sida la doonayo in amniga lagu sugo balse uu si cad u qeexayo howlgalka AMISOM ee diiradda saaraya oo kaliya amniga iyo howlgal cusub oo Midowga Afrika oo awood u leh inuu Soomaaliya ku taageero siyaasadda cusub, maamulka, arrimaha bulshada iyo amniga. Waxa uu Wasiirku sii raaciyay hadalkiisa “Qaranka Soomaaliyeed ma aqbali doono caga- jiid, been abuur iyo dib u dhac caqabad ku ah hirgelinta amni lagu guuleysto”.

Wasiirku waxa uu hadalkiisa ku daray “Xaqiiqadu waxa ay tahay in aanu jirin wax la kala dooran karo oo la heli karo haddii aysan oggolaansho ka heysan dalka martida loo yahay , qorshaha kala guurka waxa uu ahaanayaa mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya , kaliya ma ahan maamulkan , xitaa waa maamulka mustaqbalku dalku yeelan doono. Ummadda Soomaaliyeed waxa ay ka mideysan tahay sidii ay u xaqiijin lahayd mas’uuliyadda amnigeeda, iyad aan loo eegin siyaasadda doorashada iyo wax kaleba, tani waxay ahaanaysaa mid joogto ah”.

Previous Post

Lataliyaha 1aad Safaaradda Soomaaliya ee Djibouti oo la kulmay Madaxa Xafiiska QM ee dalkaas

Next Post

Foreign Minister discusses with the Delegation of the Peace and Security Council of AU the mandate of AMISOM

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Wafdi ka socday Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika waajibaadka AMISOM “SAWIRRO”

Foreign Minister discusses with the Delegation of the Peace and Security Council of AU the mandate of AMISOM

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In