Monday, July 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Wafdi ka socday Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika waajibaadka AMISOM “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Afrika, Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Wafdi ka socday Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika waajibaadka AMISOM “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Talaado ah qaabilay xubnaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo ku soo gaaray Muqdisho shalay oo Isniin ahayd booqasho shaqo oo seddex cisho qaadanaysa , isagoo kala hadlay waajibaadka shaqo ee AMISOM oo ku dhow inuu idlaado 31 December, 2021 , sida ku cad go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2568.

Wasiirka iyo xubnaha golaha oo ka kooban 15 xubnood oo uu hoggaaminayay Danjire Mohammed Omar Gad oo ka socda dalka Masar ayaa isweydaarsaday aragtiyo ku aaddan caqabadaha amniga iyo nabadda iyo heerka ay gaadhsiisan tahay u diyaargarowga ciidamada qaranku u leeyihiin in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026

Hadal uu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ka jeediyay kulanka, ayaa waxa uu sheegay in qorshaha kala guurka ee Soomaaliya aanu caddeynin oo qura sida la doonayo in amniga lagu sugo balse uu si cad u qeexayo howlgalka AMISOM ee diiradda saaraya oo kaliya amniga iyo howlgal cusub oo Midowga Afrika oo awood u leh inuu Soomaaliya ku taageero siyaasadda cusub, maamulka, arrimaha bulshada iyo amniga. Waxa uu Wasiirku sii raaciyay hadalkiisa “Qaranka Soomaaliyeed ma aqbali doono caga- jiid, been abuur iyo dib u dhac caqabad ku ah hirgelinta amni lagu guuleysto”.

Wasiirku waxa uu hadalkiisa ku daray “Xaqiiqadu waxa ay tahay in aanu jirin wax la kala dooran karo oo la heli karo haddii aysan oggolaansho ka heysan dalka martida loo yahay , qorshaha kala guurka waxa uu ahaanayaa mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya , kaliya ma ahan maamulkan , xitaa waa maamulka mustaqbalku dalku yeelan doono. Ummadda Soomaaliyeed waxa ay ka mideysan tahay sidii ay u xaqiijin lahayd mas’uuliyadda amnigeeda, iyad aan loo eegin siyaasadda doorashada iyo wax kaleba, tani waxay ahaanaysaa mid joogto ah”.

Previous Post

Lataliyaha 1aad Safaaradda Soomaaliya ee Djibouti oo la kulmay Madaxa Xafiiska QM ee dalkaas

Next Post

Foreign Minister discusses with the Delegation of the Peace and Security Council of AU the mandate of AMISOM

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Wafdi ka socday Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika waajibaadka AMISOM “SAWIRRO”

Foreign Minister discusses with the Delegation of the Peace and Security Council of AU the mandate of AMISOM

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh iyo murugo la wadaagaysaa Jamhuuriyadda...

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In