Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay kulan looga hadlay qoonddada haweenka ku leeyihiin kuraasta gobalada Waqooyi ee Somaliland, waxaana ka qeybgalay wasiirka haweenka xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim.
Sidoo kale kulanka waxaa ka qeybgalay xildhibaano, guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti, ururada bulshada iyo mas’uuliyiin kale.