Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Ganacsiga iyo hay’adda UNIDO oo dhiiri gelin u sameeyay ganacsato soo bandhigtay Cagafyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Ganacsiga iyo hay’adda UNIDO oo dhiiri gelin u sameeyay ganacsato soo bandhigtay Cagafyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa hay’adda UNIDO iyo Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, ayaa si wada-jir ah usoo bandhigay maal-gashi ay Ganacsato Soomaaliyeed ku sameeyeen Cagafyo loogu talogalay horumarinta wax soo sarka beeraha

Munaasibad kooban oo lagu qabtay xaruunta Wasaaradda ganacsiga isla markaana ay ka qeyb galeen masuuliyiin kala duwan ayaa lagu soo bandhigay maalgashiga mashruucan oo hindisihiisu ka dhashay shirkii Madasha Iskaashiga Ganacsiga ee Talyaaniga iyo Soomaaliya oo sanadkii 2019-kii ka qabsoomay dalka, iyada oo xiligaas ka dib wada xaajoodyo u bilaabmay ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Talyaaniga ah oo taageero farsamo ka helaya hay’adda UNIDO iyo IBS Bank ay ugu dambeyn shirkadda Gaalooge ku guulaysatay inay lix Cagaf oo loogu talo galay horumarinta wax soo saarka dalka ay ka soo iibsato shirkadda CNH ee laga lee yahay dalka Talyaaniga.

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

July 13, 2026

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in mashruucan uu horseedi doono sare u qaadidda kobaca dhaqaale ee dalka, waxaana ay boggaadiyeen guushan weyn ee la gaaray oo ay sheegeen inay tahay mid horumar weyn u horseedaysa dhinaca wax-soo-saarka beeraha, ganacsiga, shaqo abuurka iyo guud ahaan Maal-gashiga dalka, ayna ku faraxsan yihiin in maanta ay miro dhaleen dedaaladii ay mudada dheer soo waday Wasaaraddu ee khuseeyey dhinaca iskaashiga ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Talyaaniga.

Safiir ku-xigeenka Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya Massimiliano Bertollo iyo madaxa Hey’adda UNIDO ee Soomaaliya Ygor Scarcia aya dhankooda xusay inay ku faraxsanyihiin miradhalinta maalgashigan, isla markaana iyago kaashanaya Wasaaradda gacansiga ay sii wadi doonaan taageeridda ganacsatada yar yar ee soo koraya.

Maamuluha shirkadda Gaalooge ee ka shaqeysa arrimaha beeraha Sheekh Aadan Maxamed ayaa Sheegay inay sii wadi doonaa maalgashigooda ku aadan horumarinta beeraha iyo sidii beeraleyda uga faa’iideysan lahaayeen agabka ay u keeneen, isagoo intaa ku daray in qalabkan tayadiisu ay aad u sareyso isla markaana uu leeyahay damaanad-qaad buuxa.

Previous Post

Gaadiid loogu talagalay inay ka howlgalaan xuduudaha dalka oo lagu wareejiyay Hay’adda Socdaalka “SAWIRRO”

Next Post

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo burburiyay fariisimo ay argagixisada ku lahayd Gobolka Shabeelaha Hoose “SAWIRRO”

Next Post
Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo burburiyay fariisimo ay argagixisada ku lahayd Gobolka Shabeelaha Hoose “SAWIRRO”

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo burburiyay fariisimo ay argagixisada ku lahayd Gobolka Shabeelaha Hoose “SAWIRRO”

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada...

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

July 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka Türkiga ee Soomaaliya

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka Türkiga ee Soomaaliya

July 13, 2026
0

La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiska Amniga Qaranka Danjiraha Turkiga...

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

July 13, 2026
0

H.E. Adam Isak Ali, Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Republic of South Africa signed the Book...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In