Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo ka hadlay hannaanka ay doorashada u socoto

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Guddiga Hirgelinta doorashada Heer Federaal oo soo dhaweeyay natiijada doorashadii Aqalka Sare ee lagu qabtay Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa si habsami leh u socda Doorashooyinka golaha shacabka Soomaaliya oo soo bilaamatay 1 November 2021ilaa haddana toban kursi ayaa doorasho loo galay siday natiijooyinka hor dhac ahi tilmaamayaan. Waxaa kale oo inoo dhamaaday kuraastii Aqalka Sare.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal (GHDHF) wuxuu ku shaqeynayaa hanaan waafaqsan habraacii ay soo saareen madatasha wadatashiga qaranka, iyadoo aysan jirin habraac kale oo siyaasi, maamul ama masuul siyaasadeed soo saaray oo lagu dhaqayo doorashada, hanaankaas oo ay si wada jir ah u saxiixeen madaxweynayaasha maamullada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Ra’isuulwasaaraha Soomaaliya.

Related posts

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026

Doorashada oo wakhtiyo kala duwan dib u dhac ku yimid, ayaa wakhtiga kama danbaysta ah ee guddigu u asteeyey in lagu soo gebagebeeyo ay tahay 24 Disembar, 2021, Haddaba guddiga oo ilaalinaya hufnaanta iyo shuruucda doorashada, waxaan siyaasiyiinta iyo cid kastoo danaynaysa doorashada u sheegaynaa in wax kastoo cabasho ah oo ka soo baxday kuraastii la doortay uu dib u eegi doono guddigu, doorasho kasta oo aan waafaqsanayn hanaanka loo asteeyey in loo maro guddiga xulista ergada iyo ergada wax dooranaysa uu noqon doono mid dhab ah loo baadho, go’aan ku haboonna laga gaadhayo.

Haddaba si looga fogaado wax is daba marin iyo daah furnaan la’aan doorashada ku dhacda, waxaa guddigu farayaa guddiyada doorashooyinka heer maamul goboleed in ay dhowraan, ishana ku hayaan daah-furnaanta, caddaaladda, xeerarka iyo habraaca doorashooyinka hadda socda.

Guddiga ilaa iyo hadda waxaa soo gaaray cabashooyin iyo talooyin ku aaddan doorashooyinka socda. Sidaadarteed, wuxuu guddigu ku samaynayaa badhitaanno dhammaan cabashooyinka. Waxaan bulshada Soomaaliyeed u sheegaynaa in wax kastoo baal marsan hufnaanta doorashada uusan guddigu marna aqbali doonin. Annagoo ugu baaqayna tartamayaasha iyo daneeyayasha doorashada in ay wixii cabasho ah u maraan hanaanka loo dejiyey in wax looga qabto murannada doorashada, iyadoo ay dhisan yihiin guddiyaddii loogu tala galay in ay wax ka qabtaan.

Guddiyada doorashooyinka maamulaya waa guddiyo ka madax-bannaan siyaasadda iyo fara-gelinta siyaasi. Sidaa awgeed, waxaan faraynaa dhammaan guddiyada in ay waajibaadkooda u gutaan si

madax-bannaan oo caddaalad ah. Waxaa kale oo aan madaxda Qaranka ku boorinaynaa in ay u madax baneeyaan hawlahooda doorashada, ayna ka caawiyaan adeegyada muhiimka ah ee ay u bahan yihiin, sida amniga iyo taakulaynta saad.

Ugu danbayn, waxaan ummadda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ugu baaqaynaa in ay guddiyada ku gacan siiyaan gudashada waajibaadkooda, si ka madax banaan fara gelinta siyaasadda iyo in ay shaqadooda u gutaan si hufan. Si doorashada golaha shacabku ugu dhammaato wakhtigii loogu tala galay, iyadoo marxaladdaan looga gudbi karo in doorashadu wakhtigeeda ku dhammaato, lana soo dhiso baarlamaanka 11.

Previous Post

Wasaaradda Beeraha oo soo gabo gabeysay tababar ku saabsan Xogaha Suuqa “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo bogaadiyay Guddiyada Doorashooyinka, kuna baaqay dardargalinta doorashada Golaha Shacabka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo bogaadiyay Guddiyada Doorashooyinka, kuna baaqay dardargalinta doorashada Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo bogaadiyay Guddiyada Doorashooyinka, kuna baaqay dardargalinta doorashada Golaha Shacabka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud....

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

July 23, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In