Tuesday, August 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in Gurmad deg-deg ah loo fidiyo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay abaaraha ka jira Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 26, 2021
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in Gurmad deg-deg ah loo fidiyo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay abaaraha ka jira Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan abaaraha ba’an ee ku dhuftay dalka ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah lala gaaro Walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay abaaraha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qaybo badan oo dalka ka mid ah ay ku habsadeen Abaaro ba’an oo galaaftay naf iyo maal ba, sababayna xaalad bini-aadannimo oo degdeg ah, isaga oo faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay si mug leh ugu istaagaan ka jawaabidda xaaladdaas adag ee ay ku sugan yihiin gobollo badan oo ka tirsan Dalka.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay wafdiga Safiirka Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay wafdiga Safiirka Midowga Yurub

August 5, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

August 5, 2025

“Wakhtigan adag, waxaa la inooga baahan yahay in aynu u midowno sidii aynu maal iyo muruqba isugu geyn lahayn gurmadka Walaalaha la dhibaateysan gaajada iyo biyo la’aanta ah. Waxaa kale oo muhiim ah in aynu badinno Alle bariga iyo Roobdoonta, waxaanna rajaynayaa in dalka oo idil aynu ku qabanno Roob-doon mideysan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dhiirrigelinaya in la garab istaago shacabka tabaalaysan ee waxyeelladu ay ka soo gaartay abaaraha weli ka taagan Dalka ayaa Mushaharkiisa Madaxweynenimo ee Bilaha Nofeembar iyo Diseembar ugu deeqay howlaha gurmadka dadkeenna Soomaaliyeed ee la dhibaataysan Abaaraha ka jira Dalka

Madaxweynaha oo bogaadiyey abaabulka xooggan ee Golaha Xukuumaddu ay bilaabeen si wax looga qabto dhibaatada ay sababeen Abaaruhu, ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samatabixinta walaalaha dhibaataysan, wuxuuna ka codsaday dhammaan shaqaalaha Rayidka ah iyo kuwa gaarka ahba in ay qaataan door la mid ah kii ay Golaha Xukuumaddu 20% ugu jareen Mushaharkooda gurmadka Abaaraha.

Previous Post

Italian coast guard rescues nearly 300 migrants in Mediterranean Sea

Next Post

Tartanka kubbadda Cagta Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir oo si habsami leh u socda “SAWIRRO”

Next Post
Tartanka kubbadda Cagta Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir oo si habsami leh u socda “SAWIRRO”

Tartanka kubbadda Cagta Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir oo si habsami leh u socda "SAWIRRO"

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay wafdiga Safiirka Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay wafdiga Safiirka Midowga Yurub

August 5, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la kulmay wafdi ay hoggaaminayso Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

August 5, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku...

Somali Deputy FM Participates in UN Landlocked Nations Conference in Awaza

Somali Deputy FM Participates in UN Landlocked Nations Conference in Awaza

August 5, 2025
0

The Deputy Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Isaak Mohamud Mursal, participated on Tuesday in the Third United...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaal

August 5, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjiranimo safiirrada cusub ee dalalka Itoobiya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In