Wasaaradda xanaanada xoolaha Galmudug ayaa gurmad iskugu jira biyo dhaamin iyo daaaweenta xoolaha kabilowday deegaano hoostaga Gobalka Mudug.
Gurmadkaan ayaa socon doona mudo laba todobaad ah, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Wasaaradda xanaanada xoolaha Galmudug Maxamed Deeq Cabdi Maxamed Wasiirka ayaa sheehay in maata Wasaaraddu ay si rasmi ah u bilowday gurmadka loo sameenayo dadka ay saameeyeen abaaraha ee deegaanada Mudug.
Wasiirka Wasaaradda xanaanada xoolaha Galmudug Maxamed Deeq Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dedaaladaan ay qeebkayihiin baaqyadii madaxweenaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha Dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, isla markaana Wasaaradaha oo kaashaneysa hay’adda FOA iyo ururka samafalka maxalig ha ee DEH ay qoosaska ufidiyaan gurmadyo isugu jira qeybinta Baagaga biyaha lagu shubto biyo dhaamin .
Qaar ka mida dadkii la gaarsiiyay gurmadka ayaa ka mahad celiyay iyagoona xusay in ay kusoo aaday xillii baahi weyn ay u qabeen taas oo ah mid raadadkeedu ka muuqdeen deegaanadaaasi maadama la arkayo xoolo aad u farabadan oo ay sababtay in ay ubaqtiyaan biyo la’aan iyo haraad