Kulankan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanah ee Galmudug ayaa isugu jiray wadatashi ku saabsan ka qeybgelinta naafada adeegyada dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn.
Marti sharaf ka kala socotay heerarka sharci dejinta, Siyaasadda, Fullinta, adeegayaasha Bulshada iyo Maamulka Caasimadda ayaa kaga qayb galay kulanka magaalada Dhuusamareeb, iyadoo looga arrinsaday sidii loo dejin lahaa hannaan wax ku ool ah oo looga qeyb-geliyo Naafada Galmudug.
Adeegyada dowladu bixiso iyo dhamaan adeegyada bulshada ee kasocda Galmudug, Gaar ahaan Shaqada, Gargaarka, Biyaha, Caafimaadka, Horumarada Waara iyo dhamaan adeegyada nolosha Aadanah lagama maarmaanka u ah.
Maxamed Cali Allaale Agaasimaha guud ee Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanah ee Galmudug ayaa furay kulanka iyadoona sharaxday muhiimada uu kulanka.
Naafada Galmudug oo Qeyb ka aheyd kulanka ayaa ku soo bandhigtay Baahiyahooda, waxaana halkaa hadalo ka jeediyay Guddoomiye kuxigeenka Dhuusamareeb Cabdi Xaashi iyo Qaar ka mid ah naafada.
Iyadoo ay dhamaan ka qeybgalayaashu ka tashanayeen sidii loo heli lahaa hanaan farsamo, oo ku haboon sidii waxlooga qaban lahaa baahiyaha ay qabaan Naafada Galmudug ayuu Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Ahmed taabtay sida taasi muhiimka u tahay.
Wasiir kuxigeenka shaqada Galmudug Maxamed NuurDiini iyo Wasiiru Dowlaha arrimaha Guddaha ahna kusimaha Wasiirka Axmed Dheere ayaa ugu dambeyn hambalyeeyay xuska maalinta naafada aduunka.