Monday, July 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka oo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ka guddoontay deeq talaalka COVID-19 ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka oo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ka guddoontay deeq talaalka COVID-19 ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawsiya Abiikar Nuur ayaa 500,000 dose oo Tallaalka COVID-19 ah (Sinopharm) ka guddoontay Safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya.

Deeqdan Tallaalka ah ayaa qeyb ka noqonaysa dadaallada ay Wasaaradda Caafimaadka kusii xoojinayso ka hortaga faafida Caabuqa COVID-19.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Baydhabo oo shir guddoomiyay kulan lagu xoojinayo amniga KGS 

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Baydhabo oo shir guddoomiyay kulan lagu xoojinayo amniga KGS 

July 6, 2026
Shirweynaha Hal-abuurayaasha Dijitaalka ah (SOCCDEC) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Shirweynaha Hal-abuurayaasha Dijitaalka ah (SOCCDEC) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

July 6, 2026

Wasiir Dr. Fawsiya Abiikar Nuur ayaa Shacabka Soomaaliyeed lawadaagtay in dunidu ay hadda wajahayso nooc cusub oo COVID-19 ah, kaasoo loogu magacdaray Omicron Variant, Sidaa darteed Wasaaradda Caafimaadka waxey Daweynaha Soomaaliyeed ku Wargelinaysaa in Caabuqa COVID-19 uu dunida ku soo rogaalceliyay, Isla markaana uu Omicron Variant ku faafay in ka badan 40 dal oo dunida kamid.

Khubarada caafimaadka ayaa tilamaysa in Omicron Variant uu ka khatar badanyahay dhamaan noocyadii hore ee Caabuqa COVID-19.

Haddaba, si looga hortago halista wareegan cusub ee Caabuqa COVID-19, waxaa lagama maarmaan ah in dadka Soomaaliyeed ay qaataan feejignaadaan, raacaana talooyinka ka hortaga Caabuqa COVID-19 ee Wasaaradda Caafimaadka sida:

1) Joogteynta gacmo dhaqashada,
2) Xirashada afka iyo sanka,
3) hirgelinta kala fogaanshaha dadka uguyaraan masaafa dhan 1 mitir, iyo qofku uu daboolo afka iyo sanka ama siticmaamlo tiish marka uu qufacayo ama uu hindhisaayo
4) Qaadashada talaalka COVID-19.

Fadlan qaado talaalka COVID-19 oo badbaadi naftaada, qoyskaaga iyo bulshadaada. Sidoo kale, haddii aad isku aragto Qufac, qandho ha tegin goobaha ay bulshaddu isugu yimaadaan sida suuqyada, xafladaha, Aroosyada, fagaaraasha, Kulamda ciyaaraha, tacsida, iyo IWM. Wixii faahfaahin ah fadlan la xiriir number gaaban ee 449.

Previous Post

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo la kulmay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Next Post

Shirka hanaanka dhab u heshiisiinta oo ka furmay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Shirka hanaanka dhab u heshiisiinta oo ka furmay Muqdisho “SAWIRRO”

Shirka hanaanka dhab u heshiisiinta oo ka furmay Muqdisho "SAWIRRO"

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Baydhabo oo shir guddoomiyay kulan lagu xoojinayo amniga KGS 

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Baydhabo oo shir guddoomiyay kulan lagu xoojinayo amniga KGS 

July 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlay xoojinta...

Shirweynaha Hal-abuurayaasha Dijitaalka ah (SOCCDEC) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Shirweynaha Hal-abuurayaasha Dijitaalka ah (SOCCDEC) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

July 6, 2026
0

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta hal-abuurka, kobcinta dhaqaalaha dijitaalka ah, iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa fursado cusub...

Hoggaamiyaha KGS oo Baydhabo ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Hoggaamiyaha KGS oo Baydhabo ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

July 6, 2026
0

Hoggaamiyaha KGS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Garoonka Diyaaradaha Dr. Shaati-Gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey wafdi...

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

July 5, 2026
0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Seattle ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In