Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baashe Xoosh Jabriil oo u geeriyooday dhaawac ay burcad Turkish ah u geysatay

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Baashe Xoosh Jabriil oo u geeriyooday dhaawac ay burcad Turkish ah u geysatay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baashe Xoosh Jabriil oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed ayaa maanta u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerar ay 6-dii bishaan December ku qaadeen seddax nin oo burcad ah Turkish ah, xilli uu ku sugnaa goob dalxiis oo ku taalla degmada Beyoğlu ee bartamaha magaalada Istanbul.

Warhaainta dalka Turkiga ayaa soo bandhigtay muuqaallo muujinaya qaabkii loo fuliyey weerarkaas. Waxayna kaamiraduhu qabteen ragga burcadda ah oo gadaal uga yimid marxuumka, kadibna mid ka mid ah ayaa Feer qoorta kaga dhuftay, dhulka ayuuna ku dhacay Baashe, isagoo halkaas ku miyir daboolmay, sida ay warbaahinta u sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Burcadda ayaa baaratay Baashe oo dhulka yaalla, waxayna ka qaateen talefano, boorso iyo agabyadii kale ee uu watay, waxayna ku baxsadeen gaari Taxsi ah, balse booliska ayaa ku guuleystay in uu soo qabto.

Xogaha laga baahiyey dhacdadaan waxay intaas ku darayaan in seddaxdii burcada aheyd deg deg loo hor-geeyey maxkamad, isla markaana labo ka mid ah oo ka yaraa da’aadda 18-sano lagu soo oogay dacwad xatooyo, halka ninka 3-aad ee feeray Baashe lagu soo oogay inuu geystay dil bareer ah.

Marxuum Baashe Xoosh Jabriil waxuu ahaa Aabe deganaa magaalada Todonto ee dalka Canada oo uu dhalashadiisa labaad ka heystay, waxuuna Istanbul u tegay dalxiis.

Allaha u naxariistee Baashe Xoosh Jabriil waxuu ahaa walaalkii ka yaraa wasiirkii hore ee dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo isna 8-dii Maarso 2019-kii ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

Previous Post

Sawirro: Galmudug oo ciidamo kala dhex-dhigtay maleeshiyaadkii ku dagaalamay Kaxandhaale

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Warka Subaxnimo

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In