Guddoomiye ku-xigeenka Dagmada Gaalkacyo Maxamed Cabdi Cilmi oo ay wehliyaan xubnaha guddiga la socadka tayada dhismaha waddada isku xirta magaalada gaalkacyo iyo garoonka diyaaradaha Oshaco oo ah waddo 9km ah oo ay dhismaheeda iska kaashanayaan Midowga Yurub,Dowaladda Federaalka Soomaaliya iyo Galmudug ayaa maanta kormeeray hanaan socadka dhismaha waddadaaasi oo ku dhow heer gabagabo ah.
Mas’uuliyiinta Maamulka dagmada gaalkacyo oo u jeedka kormeerkooda ahaa la socadka dhismaha waddada inuu yahay qaabkii loogu tala galay ayaa ugu horreyn warbxin ka dhageystay xubno ka tirsan guddiga kuwaas oo sheegay in mar walba ay la daba joogeen dhismaha waddada kormeero joogtaa,iyagoona xusay in xataa kambaniga dhismaha wada ay ku celiyeen dhowr meelood oo cilado kasoo laabteen dibna loo hagaajiyay sidoo kalana bulshada ay ku wacyi galinayeen ineey ilaashadaan mashaariicda ayna u gartaan inay,iyagu leeyihiin.
Guddoomiye ku-xigeenka dagmada gaalkacyo Maxamed Cabdi Cilmi ayaa mahadcelin kadib ku booriyay bulshada ineey ilaashadaan Mashruucaan iyo kuwa la mid ah ee laga hirgaliyay gaalkacyo.
Dhinaca kale qaar ka mida darawalada iyo shacabka ku safra waddadaasi oo warbaahinta Qaranka wax ka weydiisay sida ay u arkaan dhismaha waddada ayaa xusay in horray dhibaato ugu qabeen balse haatan ay ka raysteen dhibaatadii ay ku qabeen marista wadada,iyaga iyo gaadiidkooda,iyagoona balan qaaday in ay kaalintooda ka qaadaayaan ilaalinta iyo tayeeynta dhismaha waddada.