Tuesday, June 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kuuriyada Waqooyi oo gantaalkii labaad tijaabisay 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Woqooyiga Kuuriyada oo hakisay tijaabada hubka niyuklerka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal riddo gaaban, kaas oo u muuqda in uu yahay midkii labaad  ee ay ku guulaysto muddo yer, sida ay baahisay Khamiista maanta ah wakaaladda wararka ee Kuuriyada waqooyi ee KCNA, laakin lama sheegin xilliga rasmiga ah ee la diray gantaalkaas.

Gantaalkan ayaa ah nooca loo yaqaan ‘hypersonic missile’, waana markii ugu horreysay ee uu tijaabiyo dalkan Nukliyeerka heesta sanadkan.

Related posts

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026

Gantaalka la ganay ayaa si sax ah ugu dhacay bartilmaameed meel  700km u jirta”, Caasimadda Pyongyang.

Tani waxay ahayd tijaabadii labaad ee la soo wariyay ee waxa ay Pyongyang ku andacoonaysaa inay ahaayeen gantaalo dulmaraya hawada sare, maadaama ay ku raad joogto tignoolajiyada casriga ah in kasta oo ay saaran tahay cunaqabatayn iyo cambaarayn caalami ah.

Gantaalada ‘Hypersonic ayaa ah kuwa aad u dheereeya kuwa caadiga ah, taas oo ka dhigaysa in ay aad ugu adag tahay habka difaaca gantaalada, oo Maraykanku balaayiin dollar ku bixinayo, si uu u dhexgalo.

Gantaalada Hypersonic ayaa lagu taxay hub loo naqshadeeyay si istiraatiji ah waana qorshe ay hadda damacsan tahay Kuuriyada Waqooyi kaasoo si rasmi ah loo shaacin doono muddo shanta sano  gudahood, waxayna tijaabadeedii ugu horreysay la shaaciyay8-dii bishii September ee sannadkii hore.

Mareykanka, Japan iyo Canada ayaa cambaareeyay tijaabada Kuuriyada waqooyi, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka waxa uu sheegay in ay cambaareenayaan tallaabada yiri Kuuriyada Waqooyi.

Wada-hadalladii u dhexeeyay Washington iyo Pyongyang ee looga hadlayay barnaamijka Nukleerka ee Kuuriyada waqooyi ayaa weli hakad ku jira, kaddib markii uu burburay wadahadalladii Kim Jon Un iyo madaxweynihii horre Mareykanka Donald Trump sannadkii 2019-kii.

Si kastaba, madaxweyne Joe Biden, oo ah ninka baddelay madaxweynihii horre ee Maraykanka ayaa ayaa si isdaba joog ah u sheegayay  inuu doonayo inuu la kulmo wakiilada Kuuriyada Waqooyi, isagoo sheegay inuu raadin doono baabi’inta nukliyeerka.

Balse Pyongyang ayaa ilaa hadda iska diiday dalabkaas, iyadoo ku eedaysay Washington inay waddo siyaasado cadownimo ah.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay u baahan tahay hubkeeda si ay isaga difaacdo duulaanka Mareykanka.

Previous Post

UNICEF oo agab fayadhowrka ka qeybisay dalka Libya

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo dilay shan ka tirsanaa Argagixisada  Al-shabaab

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo dilay shan ka tirsanaa Argagixisada  Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka oo dilay shan ka tirsanaa Argagixisada  Al-shabaab

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
0

Magaalada Muqdisho oo ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim u ah...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. HOOS KA AKHRISO

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan dhaawacyada iyo dhimashada ka dhalatay howlgallada lagula dagaallamayo hubka sharci-darrada...

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adaha Amniga Caasimadda waxay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Degmada Cabdicasiis iyo xaafadda Marinaayo, ku wargelinayaan in...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In