Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Ganacsiga oo shir u qabatay hay’adaha dowliga ah iyo Ganacsiga gaarka ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Ganacsiga oo shir u qabatay hay’adaha dowliga ah iyo Ganacsiga gaarka ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa galabta soo xiray kulan aqoon is-waydaarsi ah oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Ganacsiga, kaas oo u dhaxeeyey hay’adaha dowliga ah iyo Ganacsiga Gaarka ah, kaas oo loogga hadlaayey siddii loo xoojin lahaa maamulka hay’adaha Ganacsiyada Gaarka loo lee yahay ee dalka.

Barnaamijkan wada-hadalka hay’adaha Dowladda iyo Ganacsiga gaarka ah oo uu maal-gelinayo Midowga Yurub sidoo kale na ay fulinayso hay’adda DAI, ayaa socday muddo hal maalin ah isla-mar-ahaantaana ay ka soo qeyb-galeen wakiilo ka kala socda hay’adaha dowladda, rugta ganacsiga Soomaaliyeed, iskaashatooyinka, ganacsatada yar-yar iyo kuwa dhexe, xarumaha hal-abuurada ganacsiga, khubaro iyo cilmi baarayaal kala duwan iyada oo halkaas lagu wadaagay khibrad iyo aqoon sare looggu qaadi karo lagu na xoojin karo maamulka hay’adaha gaarka ah.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Agaasimaha Waaxda Ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhaxe Mudane Ibraahim Ciise Dheere, ayaa sheegay in ururada ganacsiyadu ay taariikh soo jireen ah ku lee yihiin dalka sidoo kale na ay door muhiim ah ka ciyaaraan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya isaga oo carabka ku dhuftay in ka dawlad ahaan ay mudnaan gaar ah u lee dahay siinayaan siddii loo xoojin lahaa jiritaankooda.

Mudane Khaalid Xasan oo ka socday hay’adda DAI ee Soomaaliya oo ah hay’adda fulinaysa barnaamijkan, ayaa hadal uu halkaas ka jeediyey, waxa uu dawladda u soo jeediyey inay taageerto ururada ganacsiyada gaarka ah si wadanka loogga suurto-geliyo deegaan ku habboon Maal-gashiga.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan oo halkaas khubad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey, ayaa ugu horreyn boggaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in barnaamijkani uu dariiq u furi doono siddii iskaashi buuxa ay u yeelan lahaayeen hay’adaha dowladda iyo ganacsiyada gaarka ah gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha iyo maal-gashiga int aba. Isaga oo sidoo kale na u mahad-celiyey Midowga Yurub oo maal-gelinaya Barnaamijkan iyo hay’adda DAI oo iyadu na hir-gelintiisa leh.

Previous Post

Xabad joojin hor dhac ah oo laga gaaray Colaadii Saaxo Maygaag “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In