Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada Degmada Gaalkacyo Daahir Maxamuud Cilmi oo ay weheliyaan xubno ka socday Hay’adaha UN OCHA, UNHCR ayaa maantay kormeer ku tagay qaar ka mid ah Kaamamka Barakacayasha ee ku yaalo duleedka magaalada Gaalkacyo.
Xubnahaan ayaa kormeeray deegaanka Xaar-Xaar iyo goobo cusub oo ay deegaansadeen qoysaska ay saameeyeen Abaaraha ka jira deegaannada Gobolka Mudug .
Horjoogayasha kaamaamka la kormeeray ayaa u sheegay Agaasimaha Arrimaha Bulshada Dowladda Hoose iyo xubnaha la socday in ay wajahayaan xaalado adag oo ay ku nool yihiin qoysaska Barakacayasha ah ee Degmada Gaalkacyo ku nool, ayna codsanayaan in gurmad beni’aadannimo oo deg deg ah lala soo gaaro.
Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada Degmada Gaalkacyo Daahir Maxamuud Cilmi ayaa wafdiga la socday uga warbixiyay sida ay lagama maar maanka u tahay in loo gurmado qoysaska ay abaartu saameysay.