Thursday, August 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Warka ugu Weyn

Dhageyso: Qalbi-Dhagax oo ka hadlay go’aankii ay XFS uga saartay liiska madow

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Warka ugu Weyn
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo wareysi gaar ah siiyey Radio Muqdisho ayaa aad u soo dhaweeyey go’aankii golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ay liiska argagixisada uga saareen, asaga iyo ururka ONLF.

Cabdikariin Qalbi-Dhagax ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu bilo ka hor kula kulmay magaalada Nairobi, isla markaana uu ka balan qaaday in go’aankaas ay ka garaabi doonto dowladda Soomaaliya.

Related posts

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

September 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardargalinaya dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardargalinaya dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

January 14, 2024

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa balan qaadkaas maanta fuliyey isagoo golaha wasiirrada hor geeyey qaraarka burburinta go’aankii ay ONLF iyo Qalbi-Dhagax ka gaartay xukuumadii tan ka horeysay, afar sano ka hor.

“Qaladkii hore waxaa saxay Ra’iisul wasaaraha umadda Soomaaliyeed Maxamed Xuseen Rooble, waana soo dhaweyneynaa, qaladkaas waxaa laga galay dhamaan umadda Soomaaliyeed, waana wax lagu farxo in maanta la saxay,” ayuu yiri Qalbi-Dhagax.

Waxa uu sheegay in umadda Soomaaliyeed ay ku wada jiraan halganka ONLF ee gobanimo doonka ah, taas oo keentay in dadka Soomaaliyeed ay ka wada dhiidhiyaan dhibkii isaga soo gaaray iyo go’aankii ay qaadatay xukuumadii hore.

Hoos ka dhageyso wareysiga Qalbi-Dhagax

https://youtu.be/1_giSXNjrnI?t=359

Previous Post

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo soo dhaweeyey go’aankii golaha wasiirrada Soomaaliya

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay wafdi ka socday Dolwadda Faransiiska oo Muqdisho soo gaaray

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay wafdi ka socday Dolwadda Faransiiska oo Muqdisho soo gaaray

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay wafdi ka socday Dolwadda Faransiiska oo Muqdisho soo gaaray

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

August 26, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane 𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐧𝐚𝐚𝐟𝐚𝐜 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐚𝐥𝐥𝐚, ayaa si fogaan-arag ah uga qayb galay...

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

August 26, 2026
0

Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Amb. Maxamed Cali Nuur Ameeriko, ayaa maanta ku qaabilay xarunta Dekedda Muqdisho Dr. Axmed Fiqi Elmi, kulankaan...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Qatar, kadib casuumaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In