Thursday, October 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Warka ugu Weyn

Dhageyso: Qalbi-Dhagax oo ka hadlay go’aankii ay XFS uga saartay liiska madow

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
January 23, 2022
in Warka ugu Weyn
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo wareysi gaar ah siiyey Radio Muqdisho ayaa aad u soo dhaweeyey go’aankii golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ay liiska argagixisada uga saareen, asaga iyo ururka ONLF.

Cabdikariin Qalbi-Dhagax ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu bilo ka hor kula kulmay magaalada Nairobi, isla markaana uu ka balan qaaday in go’aankaas ay ka garaabi doonto dowladda Soomaaliya.

Related posts

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

September 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardargalinaya dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardargalinaya dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

January 14, 2024

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa balan qaadkaas maanta fuliyey isagoo golaha wasiirrada hor geeyey qaraarka burburinta go’aankii ay ONLF iyo Qalbi-Dhagax ka gaartay xukuumadii tan ka horeysay, afar sano ka hor.

“Qaladkii hore waxaa saxay Ra’iisul wasaaraha umadda Soomaaliyeed Maxamed Xuseen Rooble, waana soo dhaweyneynaa, qaladkaas waxaa laga galay dhamaan umadda Soomaaliyeed, waana wax lagu farxo in maanta la saxay,” ayuu yiri Qalbi-Dhagax.

Waxa uu sheegay in umadda Soomaaliyeed ay ku wada jiraan halganka ONLF ee gobanimo doonka ah, taas oo keentay in dadka Soomaaliyeed ay ka wada dhiidhiyaan dhibkii isaga soo gaaray iyo go’aankii ay qaadatay xukuumadii hore.

Hoos ka dhageyso wareysiga Qalbi-Dhagax

https://youtu.be/1_giSXNjrnI?t=359

Previous Post

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo soo dhaweeyey go’aankii golaha wasiirrada Soomaaliya

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay wafdi ka socday Dolwadda Faransiiska oo Muqdisho soo gaaray

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay wafdi ka socday Dolwadda Faransiiska oo Muqdisho soo gaaray

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay wafdi ka socday Dolwadda Faransiiska oo Muqdisho soo gaaray

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

October 9, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda, kaasoo ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In