Kulamadaan oo soo bilowday toddobaadkii hore oo lagu qabanayay xarunta safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa looga hadlayay sidii looga arrinsan lahaa caqabadaha soo wajahay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda, caqabadahaas oo ay kow ka ahaayeen amni daro iyo tuugo kusoo badatayย faadaha Soomaalida degto ee Kampala iyo in dhallinyaradda dhaqankeena suuban ka tagtay laga wacyi galiyo .
Danjiraha Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) safiirka Soomaaliya ee Uganda oo dhammaan kulamadan ka qeyb galay sidoo kalena goobjoog ka ahaayeen qunsulka safaaradda iyo xoghayaha 1-aad ee safaaradda,ย ayaa sheegay in gacan wayn ka siin doonaan Jaaliyadda sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada u gaarka ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda.
Munaasabad qado ah oo uu safiirka soo Agaasimay ayaa ugu dambeyntii loogga dhawaaqay in la sameeyo guddi,isugu jira odayaasha dhaqanka, culamaaโudiinka, waxgaradka iyo ardayda kasoo qeyb gashay ,iyagoo kaashanaya Safaaradda Soomaaliya ee Uganda.
Safiir Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) ayaa in malmahan waday sidii safaaradda iyo dhinacyada kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda xariir dhaw u lahaan lahaayeen iyo haddii ay ahaan lahayd Ganacsatada, Ardayda, Culumaaโudiinka iyo Odayaasha dhaqanka iyo Jaaliyadda.