Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyey kulan socday muddo saddex maalmood ah oo ay hoggaaminaysay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya kaas oo Baanka Adduunka uu ugu kuur-gelaayey barnaamijyada ahmiyadda u leh mashaariicda la xiriirta horumarinta iyo dib-u-habaynta Ganacsiga Soomaaliya oo uu sanadaha soo socda ka hir-gelinayo dalka.
Kulanka, ayaa maanta diiradda lagu saaray cashuuraha, Istaraatijiyadda Ganacsiga iyo sidii loo balaarin lahaa Barnaamijka xog-kaydiyaha Ganacsiga ee Soomaaliya oo ay maamusho Wasaaradda Ganacsiga, isla-mar ahaantaana ahmiyad weyn u leh ganacsiga iyo maal-gashiga dalka..