Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro: Agaasimaha hey’adda Socdaalka oo kormeeray goobaha muhiimka ah ee …

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Sawirro: Agaasimaha hey’adda Socdaalka oo kormeeray goobaha muhiimka ah ee …
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa kormeeray Xarunta Laanta 3aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee caasimadda ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kormeerka shaqo ee Agaasimaha Guud ee HSJ oo ka bilowday Garoonka Shaati gaduud ee Magaalada Baydhabo ayaa u kuur galayay adeegyada Hay’addu ay ka bixiso Garoonkaas, isagoo warbixino ka dhageystay Madaxda Laanta 3aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee deegnaada Koonfur Galbeed.
Hay’adda ayaa Garoonka Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo ka hirgelisay Solar System kaas oo fududeyn doono isku xirka adeegyada Socdaalka ee Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle iyo Garoonka Shaati gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Related posts

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025

Dhanka kale Agaasimaha oo kormeerkiisa shaqo sii watay ayaa wuxuu sidoo kale kormeerkiisa ku tagay Xafiiska bixinta adeegga Baasaboorka ee Magaalada Baydhabo xilli ay Saraakiisha ka howlgala Xafiiska Baasaboorada ay u adeegayeen Muwaadiniin gudbinayay codsiga Baasaboorka, halka kuwa kalana ay qaadanayeen baasabooro ay horay uga dalbadeen Xafiiska bixinta adeegga Baasaboorka ee Magaalada Baydhabo.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa kulan la yeeshan Saraakiisha Laanta 3aad ee Magaalada Baydhabo isagoo ka dhageystay Warbixinada shaqo ee Xafiisyada, horumarada ka jiro Laanta 3aad iyo sidoo kale caqabadaha ka jiro Guud ahaan Laanta 3aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali oo saacado la qaatay Saraakiisha Laanta 3aad ayaa uga mahadceliyay daruufaha adag oo ay ku shaqeeyaan, isagoo kula dardaarmay Saraakiisha Laanta 3aad dardargelinta shaqada isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo wax u dhimi kara shaqada iyo sumcadda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Previous Post

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga labada Dal “SAWIRRO”

Next Post

Maxay ka wadahadleen wasiirka cadaalada Soomaaliya iyo safiirka Sweden?

Next Post
Maxay ka wadahadleen wasiirka cadaalada Soomaaliya iyo safiirka Sweden?

Maxay ka wadahadleen wasiirka cadaalada Soomaaliya iyo safiirka Sweden?

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka...

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

December 12, 2025
0

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka,...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In