Friday, June 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo ku baaqay wax ka qabashada abaarta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Madaxweynaha Galmudug oo ku baaqay wax ka qabashada abaarta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa waxa uu soo xeray shir saacada badan qaatay oo looga hadlayay abaaraha kudhuftay deegaannada iyo degmooyinka Galmudug. Shirka ayaa waxaa ku sugnaa hay’addaha gaargaarka sida Qaramada Midoobay iyo hayadaha gargaarka ee kashaqeeya deegaannada Galmudug.

Shirkan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Gargaarka, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Haweenka, Wasaaradda Caafimaadka iyo sidoo kale Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, iyadoona wasaaradaha iyo hayadihii kasoo qeyb galay kulanka ay isla jeexjeexeen saameenta abaarta ay ku yeelatay Galmudug.

Related posts

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026

Mudane Axmed ayaa waxa uu sheegay in abaarta ay saameeysay dad gaaraya todobo boqol oo kun (700,000) oo qof, kuwaas oo ku sugan degmooyinka iyo deegaannada Maamulka Galmudug, iyadoo uu uga mahadceliayay howsha ballaaran oo ay wadaan Wasaaradaha Galmudug iyo hay’adaha gargaarka ee shirka qeybta ka ahaa.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa xusay in dadka xoolaha haystay ay qaar uga dhinteen biya la’aan, halka intii soo hartana ay u taag waayeen, maadaama aysan uhayn baad iyo biyaba, waxana uu sidoo kale soo hadal qaaday in iskuullo gaaraya 50 oo hoostaga deegaanada Galmudug ay u xirmeen abaarahaha, sidaasna ay waxbarasho la’aan ku soo wajahday ardaydii dhiganaysay.

Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa baaq u diray hay’adaha caalamiga ah, isagoo ugu baaqay in ay laba jibaaraan dadaaladooda ku aadan wax ka qabashada abaaraha xooggan ee saameeyay Galmudug, waxana uu si gaar ah ugu baaqay ganacsatada iyo dadka ka soo jeeda Galmudug, inay garab istaagaan dadka abaartu saameesay.

Ugu danbayn, madaxwaynaha Galmudug ayaa sheegay in abaartu ay ka dhasheen cuduro ay kamid tahay Jadeecada, iyadoo suuragal ay tahay in cuduro badan ay kadhalan karaan xilli cunta la’aanta iyo biyo la’aantuba ay gaartay heerkii ugu sarreeyay, taas oo ubaahan wax kaqabasho degdeg ah, maadama ay Galmudug kow ka tahay deegaannada ay abaartu saameesay.

Previous Post

RW Rooble  oo hay’adaha amaanka faray xoojinta Nabadgelyada Dalka “SAWIRRO”

Next Post

Soomaaliya oo Shiinaha kala hadashay xoojinta taageerada ciidanka XDS “SAWIRRO”

Next Post
Soomaaliya oo Shiinaha kala hadashay xoojinta taageerada ciidanka XDS “SAWIRRO”

Soomaaliya oo Shiinaha kala hadashay xoojinta taageerada ciidanka XDS “SAWIRRO”

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleyman Sheekh Cumar ayaa magaalada Washington DC uga qayb galay shir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta...

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii...

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
0

Magaalada Muqdisho oo ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim u ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In