Thursday, July 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo ku baaqay wax ka qabashada abaarta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 1, 2022
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Madaxweynaha Galmudug oo ku baaqay wax ka qabashada abaarta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa waxa uu soo xeray shir saacada badan qaatay oo looga hadlayay abaaraha kudhuftay deegaannada iyo degmooyinka Galmudug. Shirka ayaa waxaa ku sugnaa hay’addaha gaargaarka sida Qaramada Midoobay iyo hayadaha gargaarka ee kashaqeeya deegaannada Galmudug.

Shirkan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Gargaarka, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Haweenka, Wasaaradda Caafimaadka iyo sidoo kale Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, iyadoona wasaaradaha iyo hayadihii kasoo qeyb galay kulanka ay isla jeexjeexeen saameenta abaarta ay ku yeelatay Galmudug.

Related posts

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

July 31, 2025
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha dhijitaalka nidaamka maareynta maaliyadda

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha dhijitaalka nidaamka maareynta maaliyadda

July 31, 2025

Mudane Axmed ayaa waxa uu sheegay in abaarta ay saameeysay dad gaaraya todobo boqol oo kun (700,000) oo qof, kuwaas oo ku sugan degmooyinka iyo deegaannada Maamulka Galmudug, iyadoo uu uga mahadceliayay howsha ballaaran oo ay wadaan Wasaaradaha Galmudug iyo hay’adaha gargaarka ee shirka qeybta ka ahaa.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa xusay in dadka xoolaha haystay ay qaar uga dhinteen biya la’aan, halka intii soo hartana ay u taag waayeen, maadaama aysan uhayn baad iyo biyaba, waxana uu sidoo kale soo hadal qaaday in iskuullo gaaraya 50 oo hoostaga deegaanada Galmudug ay u xirmeen abaarahaha, sidaasna ay waxbarasho la’aan ku soo wajahday ardaydii dhiganaysay.

Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa baaq u diray hay’adaha caalamiga ah, isagoo ugu baaqay in ay laba jibaaraan dadaaladooda ku aadan wax ka qabashada abaaraha xooggan ee saameeyay Galmudug, waxana uu si gaar ah ugu baaqay ganacsatada iyo dadka ka soo jeeda Galmudug, inay garab istaagaan dadka abaartu saameesay.

Ugu danbayn, madaxwaynaha Galmudug ayaa sheegay in abaartu ay ka dhasheen cuduro ay kamid tahay Jadeecada, iyadoo suuragal ay tahay in cuduro badan ay kadhalan karaan xilli cunta la’aanta iyo biyo la’aantuba ay gaartay heerkii ugu sarreeyay, taas oo ubaahan wax kaqabasho degdeg ah, maadama ay Galmudug kow ka tahay deegaannada ay abaartu saameesay.

Previous Post

RW Rooble  oo hay’adaha amaanka faray xoojinta Nabadgelyada Dalka “SAWIRRO”

Next Post

Soomaaliya oo Shiinaha kala hadashay xoojinta taageerada ciidanka XDS “SAWIRRO”

Next Post
Soomaaliya oo Shiinaha kala hadashay xoojinta taageerada ciidanka XDS “SAWIRRO”

Soomaaliya oo Shiinaha kala hadashay xoojinta taageerada ciidanka XDS “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

July 31, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Xuddur ee gobolka Bakool ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Guddoomiyaha Baarlamaanka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha dhijitaalka nidaamka maareynta maaliyadda

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha dhijitaalka nidaamka maareynta maaliyadda

July 31, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka, masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, si looga hortago khasaaraha...

Shirweynaha dhismaha SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo gabagaboobay

Shirweynaha dhismaha SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo gabagaboobay

July 31, 2025
0

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Shirweynihii dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.Munaasabadda...

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

July 30, 2025
0

Shirweynihii maalmahaan ka socday magaalada Laascaanood ayaa caawa lagu ansixiyey in magaca maamulka cusub ee gobollada Sool iyo Sanaag laga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In