Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Safiirada dalalka Midowga Yurub

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Safiirada dalalka Midowga Yurub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Safiirada dalalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo kulanka lagaga hadlayay arrimaha amaanka Soomaaliya iyo qorshaha ATMIS ee lagu badalayo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn ka hadlay xaalada amaanka Soomaaliya oo uu sheegay in ay wali gabi dhaclaynayso isla markaana uuna muuqan hanaan isku xiran oo lagaga shaqaynayo amniga dalka.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Waxaa Madaxweynuhu uu sheegay in howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM uu shaqo Wanaagsan soo qabtay bilowgii kaas oo lagu xoreeyay qeybo badan oo dalka kamid ah isla markana natiijooyin wax ku ool ah laga gaaray balse sanadihii danbe uu noqday Mid fadhiid ah oo aan u shaqeyn sidii loogu talagalay taas oo sababteeda ay leeyahiin wadamada ciidamadu ay ka joogan Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha.

Axmed Maxamed Islaam wuxuu faray Dowlada Federaalka in ay la xisaabtanto Ciidamada howlgalka AMISOM ayna xoojiso diyaarinta Ciidamo qaran oo dalka oo dhan laga qoro oo mustaqbalka la wareega amniga dalka.

Dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in ay qeyb ka yihiin gaabiska ku yimid howlgalada AMISOM iyagoo faragalin ku sameeyay siyaasada gudaha ee Soomaaliya isla markana dhumiyay shaqadii ay ciidamadoodu u joogeen dalka.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in qorshaha kala guurka ee amniga dalka uu yahay Mid Wanaagsan balse uu u baahan yahay ka go’naansho iyo fulin dhab ah.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab guul lagaga gaari karo in la helo isku xirnaanta Hay’adaha amniga Soomaaliya iyo in la qaado howlgal midaysan oo dalka oo dhan ah si ayna iskugu gurman Midowga Yurub iyo deeq-bixiyayaasha ayuu Madaxweynahu xusay in baahi weyn loo qabo isla xisabatan dhab ah oo la xiriira deeqaha amni ee dalka la siiyo inay noqdaan kuwo miro dhal ah oo laga gaari karo hadaf sax ah.

Previous Post

DFS oo la wareegtay agab Ciidan oo Dowladda Shiinaha oga yimid

Next Post

Ciidamada xoogga dalka oo fuliyay howlgallo khasaare loogu geeystay Al shabaab

Next Post
Ciidamada xoogga dalka oo fuliyay howlgallo khasaare loogu geeystay Al shabaab

Ciidamada xoogga dalka oo fuliyay howlgallo khasaare loogu geeystay Al shabaab

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In