Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diray fariin ah in Xildhibaannada oo wata aqoonsiyadooda ay berito yimaadaan adadeemiyada tababarka ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiye.
Qoraalka ayaa u qornaa sidan:
Xildhibaano Ramadaan Kariim
Beri hadii ilaahay yiraahdo Xildhibaanka oo wata aqoonsigiisaa waxuu imaanayaa akadamiyada tababarka Ciidanka Booliska ee Generaal Kaahiye (police academy) saacadu markay tahay 9.30 aroornimo.
Halkaa ayaa basas looga qaadayaa Xildhibaanada oo lagu geynayaa Teendhada Afasiyooni oo ah goobta xaflada dhaarintu ka dhacayso.
Baabuurtiina iyo askartiin waxaa uga tageysaan barxada Dusiga tababarka Booliska ee Genaral Kaahiye