Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho rasmi ah ku joogo dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa booqday xarunta Jaamacadda Na’if ee dalkaasi.
Wasiirka oo ay la socdeen xubno muhiim ah ayaa waxa ay booqashadoodu la xiriirtay u kuurgelidda nidaamka shaqo ee xaruntaasi oo ah mid lagu barto Culuumta ku saabsan dhanka amniga.
Wasiirka iyo xubnihii kale, ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Jaamacadda Dr. Abdul Majeed Al-Bunyan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Jamacadda, kuwaasi oo wafdiga Wasiir Cabdullaahi uga warbixiyay waxyaabaha ay qabato Jaamacadda.