Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqaale weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May.
Ra’iisul Wasaaraha oo ammaanay howsha qiimaha badan ee ay Qaranka u hayaan, ayaa ku dhiirrigeliyay in ay dardargeliyaan shaqadooda una rajeeyay horumar iyo guulo joogto ah.