Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta Sare, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Eng Hon Cabdullaahi Abuukar Xaaji , ayaa daah-furay Barnaamijka Waxbarashada deg-dega ah ee gurmadka abaaraha Soomaaliya, wajigiisii koowaad oo socon doona Muddo 9 bilooda ah.
Daahfurka Barnaamijka Caawinta dadka ay abaarahu saameeyeen ee dhinaca Waxbarashada ayeey ka faa’iideysan doonaan in ka badan 75,000 Arday, 1800, oo isugu jiroย Maamulayaal iskuulo, Macalimiin, waxaana goob joog ka ahey xaflada daahfurka Wasiiradda Waxbarashadda 4โta dowlada Goboleed ee Koofur galbeed, Hirshabelle, Jubbaland iyo Galmudug, madax ka socotay Hay’adaha UNICEF, WFP iyo GPE.