Thursday, May 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeer ku tagay xarunta weyn ee BJFS

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeer ku tagay xarunta weyn ee BJFS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kormeeray xarunta rasmiga ah ee golaha shacabka taasoo dhowaan dib u dhiskeedu uu si rasmi ah u bilaaban doono.

Guddoomiyaha ayaa kormeer ku sameeyay dhamaan qeybaha xaruntan ay ka koobantahay sida hoolka uu goluhu ku shiro,qeybta sare ee dhismaha iyo xafiisyada klaa duwan ee xarunta oo dhowr xafiis ah oo ka mid ah hada lagu shaqeeyo.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026

U jeedka kormeerka ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu maanta ku tagay xarunta Golaha shacabka ayaa ah in si deg deg ah loo bilaabo dib u dhiska xaruntan oo muhiim u ah howlaha kala duwan ee Golaha Shacabka.

Dowladda Turkiga oo horrey u balan qaaday dib u dhiska xaruntan ayaa dhowaan sheegtay in ay fulineyso balanqaadkeedii hore islamarkaana ay dhowaan si rasmi ah u bilaabi doonto dib u dhiska xaruntan,Waxaana waxyaabaha dib  dhiska xarunta lagu soo kordhin doono, waxaa ka mid ah machad lagu baran doono shuruucda kala duwan ee Baarlamaanka.

Golaha Shacabka ayaa hadda ku howl gala xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa waana halka ay ka dhacaan kulamada guud ee Golaha iyo kan guddiga joogtada ee Golaha Shacabka.

Previous Post

CMG launches media action on World Environment Day

Next Post

Deeq raashin ah oo laga qeybshay Gobalka Banaadir “SAWIRRO”

Next Post
Deeq raashin ah oo laga qeybshay Gobalka Banaadir “SAWIRRO”

Deeq raashin ah oo laga qeybshay Gobalka Banaadir “SAWIRRO”

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In