Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaliya Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaarahaย Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaliya Tiina Intelmann. Marwo Tiina, oo ay shirka ku wehliyeen waaxaha gargaarka biniโaadminada iyo horumarinta ayaa ka warbixisay howlaha kala duwan ee midowga Yurub ka gacansiiyo dowladda Soomaaliya. Danjire Tiina Intelmann, oo ku dheeraatay sida midowga Yurub ugu heellanyahay garabsiinta Soomaaliya ayaa sheegtay in dhaqaalo ka badan 250 milyan oo sanadle ah ku bixiyaan taageerada kala duwan ee Soomaaliya iyadoo sidoo kalana tilmantay baahida loo qabo muuqashada dowrka hoggaamineed ee Dowladda Soomaaliyeed looga baahanyahay marka laga hadlaayo jiheynta, fududeynta iyo guud ahaan kala shaqeynta midowga yurub iyo heyadaha kaleba howlaha dib u dhiska iyo gargaarka. Ergeyga oo horreyn uga mahad celiyay Midowga sida ay mar walba u garab taaganyihiin Soomaaliya ayaa gaar ahaan xusay qayb ka qaadashada abaabulkii shirkii Geneva, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay dhammeystirka bixinta ballanqaadkaa. Waxa uu sidoo kale ka warramay sida hoggaanka cusub ee Soomaaliya ay mudnaan ugu leedahay howsha arrimaha biniโaadminimada ayaa tibaaxay in xafiiskiisu dedaal ku bixin doono isu duwista iyo fududeynta howlaha gargaarka. Gebogabadii waxa ergayga iyo danjirahu ku ballameen in xiriir dheeri ah laga yeesho dardargelinta deeqraadin hor leh iyo sidoo kale xoojinta howlaha gudaha ee la xiriira abaaraha iyo ka hortagga macluusha.
๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐๐ง๐๐๐ซ๐๐ง ๐จ๐จ ๐ฆ๐๐๐ฅ-๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐ก๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ฒ๐จ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah ayaa ansixiyey heshiisyo dhowr ah oo kala ah...