Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada muhiimka ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay xaaladda binu aadannimo ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, isagoo xusay dadaalka iyo abaabulka gurmad ee dowladdu ay ku bixinayso la tacaalidda xaaladdaas adag, waxa uuna ka codsaday beesha Caalamka in ay doorkooda ka qaataan samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Related posts

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

January 14, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

January 14, 2026

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Wakiillada Beesha Caalamka muhiimadda safarkii uu dhawaan ku tagay qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada dalka, kaas oo ka tarjumaya dadaalkiisa ku aaddan xaqiijinta Soomaali heshiis ah iyo xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka oo bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta iyo gurmadka abaaraha ayaa soo dhaweeyey qabsoomidda Shirkii Wadatashiga Qaran ee dhawaan ku soo gaba-gaboobay Villa Soomaaliya iyo warmurtiyeedkii ka soo baxay oo dhaqan-gelkiisu uu muhiim u yahay dowlad dhiska iyo horumarka dalka.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay kordhinayaan taageerada ay dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin, gaar ahaan ammaanka, arrimaha binu aadannimada, dib u heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dowladnimada.

Previous Post

Guddiga KMG ah ee diyaarinaya Sharciga Miisaaniyadda Qaranka oo la kulmay Wasiirka Maaliyadda XFS

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug oo qeybaha bulshada kula kulmay Hobyo

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug oo qeybaha bulshada kula kulmay Hobyo

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug oo qeybaha bulshada kula kulmay Hobyo

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

January 14, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo ay si taxaddar leh uga fuliyeen duleedka degmada Afgooye...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

January 14, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood. Shirka...

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

January 14, 2026
0

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyagoo muujinayay dareenkooda ka dhanka ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

January 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir muhiim ah oo u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In