Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo safiirka Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.