Wednesday, June 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS Oo Kulan Miro Dhal Ah La Qaatay Dhiggiisa Dalka Masar

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS Oo Kulan Miro Dhal Ah La Qaatay Dhiggiisa Dalka Masar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Madaxtooyada dalkaas, waxa uu kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi.

Madaxweynaha  “ ayaa la wadaagay dhiggiisa dalka Masar mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Labada dal, isagoo tilmaamay in booqashadan ay sal-dhig u noqonayso dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah”.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh “ayaa  uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Masar marti-gelinta kumannaan arday Soomaaliyeed ah oo dalkaas u jooga waxbarasho ayaa sheegay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya u leedahay dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka, dhismaha ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada”.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi oo ugu hambalyeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib u doorashadiisa, ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo Dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan dowlad dhiska iyo xasilinta dalkooda, waxa uuna sheegay in dowladda Masar ay si buuxda u garab taagan tahay xaqiijinta Soomaali heshiis ah, mideysan, xasillooni oo horumar ku tallaabsata.

Sidoo kale, labada Madaxweyne, ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga warbixiyey dhiggiisa Dalka Masar qorshehiisa ku saleysan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis lah, iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay higsanayso in xiriir wanaagsan oo ka tarjumaya iskaashi iyo wax wada-qabsi ay la yeelato dhammaan dalalka ay la tahay saaxiibka, dariska iyo dan wadaagta.

 








Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Kulan La Qaatay Qaar Kamid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Next Post

Dhismaha Xarunta Dhexe Hay’adda Socdaalka Oo Laan 2aad Ka Dhagaxdhigtay Kismaayo

Next Post
Dhismaha Xarunta Dhexe Hay’adda Socdaalka Oo Laan 2aad Ka Dhagaxdhigtay Kismaayo

Dhismaha Xarunta Dhexe Hay'adda Socdaalka Oo Laan 2aad Ka Dhagaxdhigtay Kismaayo

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In