Sunday, November 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisal Wasaare Xamsa Oo Shaaciyay Arrimaha Ay Xoogga Saari Doonto Xukuumadda Dan-Qaran

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisal Wasaare Xamsa Oo Shaaciyay Arrimaha Ay Xoogga Saari Doonto Xukuumadda Dan-Qaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in golahiisa Wasiirrada uu ku soo xushay, hannaan ku saleysan wadatashi, aqoon, karti, khibrad iyo waayo aragnimo u fududeynaysa in ay waajibaadkooda gutaan,una adeeggaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumadda Dan-Qaran ay xoogga saari doonto wax ka qabashada;

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka“Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka“Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”

November 9, 2025
Madaxweyne Xasan oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta biraha Shubka ee dalkeenna

Madaxweyne Xasan oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta biraha Shubka ee dalkeenna

November 8, 2025

Arrimaha amniga, dhameystirka hannaanka amniga qaranka iyo la dagaallanka argagixisada, garsoor madax-bannaan, isku filnaansho dhaqaale, horumarinta arrimaha bulshada, qabyo tirka  iyo dhameystirka dastuurka KuMeelGaarka ah, horrumarinta hannaanka Federaalka, dib-u-heshiisiinta, Hirgelinta nidaam doorasho mideysan oo dimuqraadi ah, Dardargelinta wada hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland, maamul-wanaagga, iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah, iyadoo laga duulayo aragtida Madaxweynaha ee Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la’ah.

Sidoo kale, Xukuumadda ayuu xusay in ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka soo noq-noqda ee ugu horreyso abaarta iyo fatahaadaha ku dhufta qeybo kamid ah gobollada dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyey Xukuumadda iyo barnaamijkeeda, oo uu horgeeyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ka dib, fadhi ay yeesheen Golaha oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

Mudanaayasha golaha shacabka ayaa codka kalsoonida u qaaday xukuumadda cusub, waxaana ogolaaday 229 mudane, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha golaha shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey golaha shacabka, ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo.

 

Previous Post

Hoggaanka Galmudug oo muhiimadda koowaad siiyay u gurmashada dadka abaarta iyo colaadaha ay saameeyeen

Next Post

Lix xubnood Oo Ka Tirsan Golaha Degaanka Oo Maanta lagu doortay Cadaado

Next Post
Lix xubnood Oo Ka Tirsan Golaha Degaanka Oo Maanta lagu doortay Cadaado

Lix xubnood Oo Ka Tirsan Golaha Degaanka Oo Maanta lagu doortay Cadaado

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka“Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka“Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Brazil):- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad ka jeediyay kulan lagu xusayay 10 sano...

Madaxweyne Xasan oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta biraha Shubka ee dalkeenna

Madaxweyne Xasan oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta biraha Shubka ee dalkeenna

November 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay xoojinta Wax-soosaarka dalkeenna ayaa xarigga ka...

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(RIYAD):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BRAZIL):-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay shirka COP30 ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In