Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif oo dar-dargalinaayo Shaqooyinka hortabinta u leh Wasaaradda, ayaa kulan Isbarasho ah la qaatay Agaasime Waaxeedyada kala duwan ee Wasaaradda. Si loo hubiyo habsami u socodka shaqada iyo diyaargarowga qorshaha xukuumadda ee Afarta sano ee soo socota.
Ugu horreyn Wasiirka, ayaa dhageestay Shaqooyinka iyo Barnaamijyada ka socda Wasaaradda waxaana qeyb walbo soo bandhigay Agaasime waaxeedyada oo faahfaahin muhiim ah, Wasiirka ka siiyey dadaalka Shaqo ee socda.
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif oo la hadlay Agaasime waaxeedyada, ayaa sheegay in Wasaaraddaan ay muhiim u tahay Shaqada Qaranka marka loo eego isbadalka xoogga leh ee ku dhacay duniyada, iyada oo laga faa’iideysanaayo Teknolojiyada Casriga ah “Wasaaraddaan waxa ay Muhiim u tahay Shaqada Qaranka anagana waxa ay noo tahay Muhiim, waxaa soo saari karnaa dhaqaalo badan oo looga kaaftoomo Dhaqaalaha meelaha kale ka yimaado oo weli dalka caqabad ku ah, waa in qof walbo ka shaqeeyaa sida loo xoojinlahaa habsami u socodka Shaqada” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta Mudane Jaamac Xasan Khaliif.
Kulankaan Isbarashada ah waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudan Axmed Cismaan Diiriye, Wasiir ku-xigeenka Mudane Xuseen Axmed Culusoow, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq iyo Lataliyaasha Wasaaradda.