Wasiirka cusub ee Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Barre Maxamuud,ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Mudane Xamse Siciid Xamse, ka dib munaasabad ka dhacday Xarunta Wasaaradda oo goob-joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha, “waxaan kaaga mahadcelinayaa Mudane Xamse Siciid Xamse, shaqadii aad dalkaan u soo qabtay, Waxaan kale oo aan u rajeeynayaa Wasiirka cusub in Eebe u fududeeyo shaqooyinka Qaranka ee horyaala”.