Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaadiidka XFS oo shir la qaadatay maareyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
August 16, 2022
in Wararka
0
Wasiirka Gaadiidka XFS oo shir la qaadatay maareyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaadiidka Marwo Fardowso Cismaan Cigaal ayaa maanta la kulantay Hoggaanka Hay’adda Duulista Rayidka ah ,waxaa kulanka ku weheliyay Wasiir kuxigeenka Sulub Axmed Firin iyo Wasiiru dawlaha Maxamed Cali Cumar iyo Cali Gacal Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka Iyo Duulista Hawadda Xukuumadda.
Kulanka oo saacado qaatay ayaa looga hadlay dardar galinta shaqada Shacabka Soomaaliyeed ay u hayso Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.
Shirka ayaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin iyo Agaasimayaasha waaxyaha waxayna si guud uga warbixiyeen Shaqada u qabsoontay iyo hiigsiga Hay’adda Duulista Rayidka (Somali Civil Aviation Authority – SCAA), waxay sheegeen inay la horumariyay Habka
Maamulka hawadda Soomaaliya dhawaana ay ku rajo wayn yihiin in la gaaro Heerka A oo ah midka ay joogaan dalalka horumaray.
Shirka ayaa intii uu socday la isku dhaafsaday aragtiyo kala xariira habka shaqada lagu dardar galin karo, waxaana hoggaan wasaarada ay soo bandhigeen talooyinkooda ku aadan habka saxida shaqada iyo habsami u socodkeeda.
Ugu dambayntii Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fardowso Cismaan Cigaal ayaaa soo xirtay shirka waxayna masuliyiinta Hay’adda Duulista Rayidka ah ku bogaadisay shaqooyinka ay qaranka u hayaan,waxayna intaas kadib fartay in hawlaha shaqo ee Hay’adda horyaal la dardargaliyo laguna dadaalo sidii loo gaari lahaa hiigsiga Hay’adda ee lagu tayaynayo Maamulka Hawadda Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
Previous Post

Wasiirka maaliyadda XFS oo Turkiga kaga qeyb galay shirka dhammaystirka deyn cafinta Soomaaliya.

Next Post

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la taliyaha arrimaha maamul wanaaga iyo tayeynta Baarlamaanka magacaabay.

Next Post
Guddoomiyaha golaha shacabka oo la taliyaha arrimaha maamul wanaaga iyo tayeynta Baarlamaanka magacaabay.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la taliyaha arrimaha maamul wanaaga iyo tayeynta Baarlamaanka magacaabay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In