Safiirka Soomaaliya ee dalka Yugaandha, Cali Maxamed Maxamuud (Cagabaruur ) ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Muftiga guud ee dowladda Yugaandha, Sheekh Ramadan Mubajje iyo Xoghayaha guud ee golaha sare ee Muslimiinta dalkaasi (UMSC) Haji Ramadan Muguli.
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa uqeybsanaha arrimaha diinta ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Yugaandha, Sheekh Maxamuud Axmed Abiikar.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii safaaradda iyo muftiga u yeelan lahaayeen wadashaqeyn dhow, gaar ahaan xafiiska arrimaha diinta ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yugaandha.
Sidoo kale intii uu kulanka socday ayaa laysku soo qaaday sidii bulshada Soomaaliyeed looga wacyi galin lahaa xagjirnimada iyo falalka gurracan ee aan diinta sal iyo raad ku lahayn iyo sidii laysaga kaashan lahaa ku wacyi galinta bulshada fahamka suubban ee diinteenna.