Thursday, July 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawladaha Soomaaliya iyo Maraykanka Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriika Diblomaasiyadeed Ee Labada Dal

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Dawladaha Soomaaliya iyo Maraykanka Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriika Diblomaasiyadeed Ee Labada Dal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku simaha Safiirka safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia ahna qunsulka safaaradda Ambassador Cali Maxamed Xuseen “Atam” ayaa xafiiskiisa Addis Ababa ku qaabilay safiirka dawladda Maraykanka ee Ethiopia Ambassador Jessica Lapenn.

Labada masuul ayaa is-fahan ka gaaray
arrimaha ay ka wada hadleen, waxaana Ambassador Atam uu u sheegay Ambassador Lapenn in Dawladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso xoojinta xiriirka kala dhexeeya dawladaha caalamka gaar ahaan dalalka jecel inay qayb ka noqdaan horumarka iyo kobcinta dawladnimada Soomaaliya oo ay kamid tahay Dawladda Maraykanku.

Related posts

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026

Ambassador Lapenn ayaa dhankeeda ka mahad celisay soo dhoweynta diirran ee hab-maamuuskeedu sarreeyo oo ay kala kulantay Diplomaasiyiinta Soomaaliyeed ee hormuudka u ah safaaradda JFS ee Ethiopia, iyadoo caddaysay in Dawladda Maraykanku ay dhankeeda diyaar u tahay kor u qaadista xiriirka labada dawladood.

Labada masuul waxaa kulankooda ku wehelinayey xoghayaha koowaad Cabdullaahi Cabdirsaaq iyo Uqaybsanaha ganacsiga Mustafe Mahdi ee safaaradda JFS ee Addis Ababa, sidoo kale waxaa kulanka ka qayb galay Uqaybsanaha Militariga safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa Lieutenant Colonel Lee Gray.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Kormeeray Ciidamada XDS

Next Post

RW Xamse oo Dalka Tunisia u ambabaxay

Next Post
RW Xamse oo Dalka Tunisia u ambabaxay

RW Xamse oo Dalka Tunisia u ambabaxay

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud....

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

July 23, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In