Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe, Xuseen oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaanno iyo Maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa maanta soo booqday Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne.
Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka guud ee Magaalada oo ay ka socoto dayactir kadib burbur kasoo gaaray qaraxyo horaantii bishii maarso ka dhacay Magaalada Beledweyne, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa booqday Isbitaalka cusub oo dhismihiisa heer gabagabo ah maraaya oo laga hirgalinaayo galbeedka Magaalada Beledweyne.
Madaxweynaha, ayaa ugu dambeyn socod lug ah kusoo maray qeybo kamid xaafadaha Magaalada, isagoo bulshada ugu baaqay inay adkeeyaan nabada iyo xasiloonida ayna la shaqeeyaan laamaha amniga.