Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Puntland iyo Galmudug Oo Boggaadiyay Mashruuca SAGAL 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Puntland iyo Galmudug Oo Boggaadiyay Mashruuca SAGAL 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dawlad-gobolleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa boggaadiyay doorka taageerrada Bulshada ee mashruuca SAGAL.

Barnaamijkan oo qeyb ka ah Siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ,wuxuu lacag caddaan ah ku taageera Dadka u nugul xaaladaha bani’aadanimo gaar ahaan, Hooyooyinka uurka leh, Dadka da’ada ah iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Wasiirka Shaqada ee Puntland , Mudane Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim ayaa ku tilmaamay mashruucan ay hoggaaminayso Dawladda inuu door ka qaadanayo ka hortagga xaaladaha degdegga ah ee Bulshada , gaar ahaan kuwa nugul , kaddib markii uu xafiiskiisa ku qaabbilay saraakiil ka tirsan mashruuca oo sidoo kale la kulmay duqa caasimadda Garoowe , Mudane Axmed Siciid Muuse .

Dhinaca kale , madaxa mashruuca SAGAL, Maryan Maxamed Kaahin iyo saraakiil kale oo ka tirsan mashruuca ayaa booqday degmada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug , halkaa oo ay kula kulmeen wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada Galmudug , Maxamed Nuur Diini iyo duqa degmada Dhuusamareeb, Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow.

Ujeeddada socdaalka ay xubnahan ku tageen Garoowe iyo Dhuusamareeb ayaa la xiriirtay daadejinta mashruuca SAGAL, si loo xoojiyo iskaashiga , loona guda-galo fulinta wajiga kale ee mashruuca oo taageerraya Dadka baahiyaha gaarka ah qaba.





 

Previous Post

Wasiirka Kallumeysiga XFS Oo Kulan La Qaatay Madaxda Hay’adda FAO

Next Post

R/W Xamse Oo Warbixin ka dhageestay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Jinsiyadaha

Next Post
R/W Xamse Oo Warbixin ka dhageestay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Jinsiyadaha

R/W Xamse Oo Warbixin ka dhageestay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Jinsiyadaha

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In