Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir oo ay wehelinayaan Wasiir ku-xigeenka Maxamed Cali Maxamuud & Wasiiru dowlaha Wasaaraddaย Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa daah furay shirka Ban-baxa Wasaaradda Hawlaha Guud ee DFS.
Shirka oo ay ka qayb galayaan Agaasimaha Guud, Agaasime waaxeedyada, La taliyeyaasha & u qayb sanayaasha mashaariicda ayaa socondoona muddo laba maalmood ah, waxaana looga wada hadli doonaa inta uu shirku socdo dar-dargalinta hawlaha shaqo ee Wasaaradda, Qorshayaasha hortabinta u leh Wasaaradda, Dib u eegista mashaariicda, Kuwa aan u qabsoomin sidii loogu tala galay, Caqabadaha keentay Iyo sidii looga gudbi lahaa.
Ugu horayntii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud DFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa ku bogaadiyey agaasimeyaasha Wasaaradda dedaalkooda ku aaddan kamira dhalinta shaqada Wasaaraddu ay u hayso dalka.
Waxa uu intaa ku daray in halkaas laga siiwado shaqada, ka Wasiir ahaanna ay ka goโantahay arintaasi.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud S/G Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in looga baahanyahay Wasiirada, Agaasimaha Guud & Agaasime waaxeedyada Wasaaradda isku duubni iyo wada shaqayn.
Wasiir kuxigeenka Maxamed Cali Maxamuud ayaa isaguna si lamid bogaadiyey shaqada culus ee ay hayaan hawl wadeenada Wasaaradda.
Gaba gabada shirka Ban-baxa Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS ayaa laga soosaari doonaa qodobo muhiim u ah dar-dargalinta shaqada ay Wasaaradda u heyso Qaranka.