Saturday, August 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xoghayaha Cusub ee Golaha Shacabka Oo Xilka La Wareegay

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
October 9, 2022
in Wararka
0
Xoghayaha Cusub ee Golaha Shacabka Oo Xilka La Wareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad kooban oo uu xilka kula wareegayay xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri), ayaa lagu qabtay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa. Munaasabada, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Habdhowraha Golaha Shacabka iyo ku-xigeennadiisa, la-taliyaha arrimaha Amniga iyo Siyaasada ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux, ayaa dhammaan feylasha ay ku keydsanyihiin Xogta Golaha Shacabka iyo dhamaan howlaha Xafiiska, ayaa ku wareejiyay Xoghayaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle jaabiri, isagoona sheegay in uu ku faraxsanyahay islamarkaana uu ku kalsoonyahay aqoonta iyo kartida Shaqsiga xafiiska kala wareegay, waxaana uu kula dardaarmay in uu dardargeliyo Shaqada in uu shaqada meesha ka sii amba-qaado.

Related posts

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo hawl ku dhabar-jebiyay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 2, 2025
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay askari muwaadin u dilay”Maxaad Ii Soo Fiirisay.”

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay askari muwaadin u dilay”Maxaad Ii Soo Fiirisay.”

August 2, 2025

Xoghayaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, ayaa uga mahadceliyay Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka ee Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka soo qabtay mudadii uu Xafiiska joogay, isagoo balanqaaday in uu halkeeda kasii wadi doono.

Habdhawraha Golaha Shacabka Mudane Xil. Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, oo gaba gabada munaasabada soo xiray ayaa sheegay in Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka ku amaanay howlkarnimadiisii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu Goluhu kasoo qabtay,waxaana uu kula dardaarmay Xoghayaha cusub ee maanta xilka la wareegay in uu shaqadiisa noqato mid ay ku dheehan tahay daacadnimo iyo howlkarnimo.






 

 

 

Previous Post

R/W Xamse Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Xildhibaan Hore Daahir Xasan Guutaale

Next Post

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo gaaray Degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Next Post
Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo gaaray Degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo gaaray Degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo hawl ku dhabar-jebiyay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 2, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay askari muwaadin u dilay”Maxaad Ii Soo Fiirisay.”

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay askari muwaadin u dilay”Maxaad Ii Soo Fiirisay.”

August 2, 2025
0

Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, ayaa lagu eedeeyay dil kas ah...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha waddo cusub

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha waddo cusub

August 2, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025

August 1, 2025
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In